Asalamu calaykum dhamaantiin 

Manta waxaynu ka hadleynaa tobic muhiim inoo ah badanaaba hooyoyinku ku wareeran inay si saxa ufahmaan, cuntooyinka ufiican in ilmaha lagu ababiyo xaga caafimadka lkn aaney hooyoyinku badani fahan sanayn anba ay ka mashqulaan inaay sameyaan ilmahooga.

Hooyo ka fikir caafimaadka maskax ahan iyo jidh ahaan ee ilmahaaga oo ku dadaal cuntooyinka Nafaqada uleh jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

Ha aaminin waxyaalaha dasadaha lagu soo mooriyey ee kor kana lagaga soo sawirey khudaarta, hooyo adigu ilmahaaga usamee adigu khudaar fresha ugu same guriga, Hadaba cuntooyinka ugu Fiican inaad ilmahaaga ku ababisid waxaa ka mida

Tufaaxa 

Tufaaxa waxaa ku jira nafadooyin Kala duwan oo is kugu jira, borotiin, fitamiin C, maaddada potassium iyo carbohydrates.

Habka aad ugu sameyneysid ilmaha yar hooyo, tufaaxa Yara huri markuu jilco u burburi kadig ilmaha yar kusii Mulqaacad. Mulqaacad ayaa aad ugu Fiican in ilmaha wax lagu siiyo markuu yar yahay.

Muus 

Muusku anba mooska wuxuu ka mid yahay khudradaha aduunka ugu caansan, oo ay ka buuxan faytamiinada iyo macdanaha. Hadaba habka usiinaysid ilmaha yar muuska waa inaad subaxii ilmaha ku qurecsiso lkn wakhtigan habeen kii MA fiicana Muusku ha siin ilmaha hooyo. 

Khudaarta

Wakhtiga qadada ilmaha yar waxaa ufiican inaad siisid baradho, carrot, kuuso intaa oo biyo ugu karisid markuu bis ladana uburburi oo sii waa nafaqo Fiican ilmaha a kula korineysa 

Boorash 

Boorash aad ku karisey timir iyo subag sii habeen kii ilmaha waxaad kaga marmeysaa cerelac uuna ka nafaqo badan yahay waayo waa fresh ilmuhuna uu ku naxaa. 

Cerelacta daasada kaliya isticmaala wakhtiyada anay fursadu ku samaxayn inaad gacan taada wax ugu diyaariso siba wakhtiyada aad ukaxayneyso goobaha ciyaaraha, dhakhtarka ama hawl kale aad ku jirto. Ha u isticmaalin si joogta ah madaama oo ay tahay cuno moor ah sonkor tuna ku badan tahay hadii aad wakhtiyadaas kamaarmi kartana way Fiican tahay. Fadlan hooyo ka taxadir sonkor ta iyo milixda intuu ilmuhu yar yahay ha ugu Darin