Qormadan manta waxaynu kaaga hadleyna cunooyinka ufiican ee ka qayb qadan Kara koritaanka ilmaha kana helikaro vitamiinada jidhkiisu ubaahan yahay, muhiimna aytahay inloogu dadaalo si uu ukoro ilmuhu. Hadaba hooyo waxaa masuuliyadi ka saaran tahay ubadkaaga inaad ka warheysid cuntadooda oo aad adigu udiyaarisid malinkii cuntada jidhkoogu ubaahan yahay.
Sida khudaarta noqyadeeda Kala duwan tan la bisleyo iyo tan caadiga lagu cuno intuba jidhka ilmuhu uu ubaahan yahay malinkii sida karooga, dubaha, tamadhada, boqorka, koostada, kaabashka.
1. KHUDAARTA
Khudaartu waa waxyaalaha ugu mihiimsan ee ilmuhu ka helaan koritaanka nocyada Kala duwan ee khudaarta ugu dadaal malinkii sida muuska, canbaha, liinta iyo tufaaxa
2. CAANAHA
Caanaha ilmuhu wuxuu ka helaa dufaac malinkii ugu Yaraan, waa inaad siisid laba wakhti oo Kala ah aroortii iyo habeenkii si uu jidhkiisu ukoro
3. HILIBKA
Hilibku wuxuu ka qeyb qataa koritaanka jidhka ilmaha, maalinkiii ilmuhu wuxuu ubaahan yahay hilib ugu dadaal inaad cunadiisa ugu kariso hilibka si nafaqada uu ubaahan yahay uga helo.
4. BEEDKA
Beedka aad ayuu uu Fiican yahay cunadiisa siiba marka Beedka biyahay lagu kariyo markuu bislaado uga dil diirka ka Dib sii Hal xabo malinkii. Waa cuno isku dheeli tiran wax walba oo jidhku ubaahan yahay ku jirto, lkn waa inaad ogaata in ilmahaagu aanu xasaasiyad ku lahayn Beedka.
5. SHARAABKA IYO BIYAHAY
Sharaabka iyo biyihu aad ayeey muhiim ugu yihiin caruurta, waayo waxay ka helaan firfircooni badan. Markaa waa muhiim inaad ilmahaaga ugu dadaasha malinkii.
0 Comments