Asalamu calaykum dhamaantiin 

Hooyo ma ogtahay in aad hayso hawlaha dunida ta ugu qiimaha badan uguna culus?
Ma ogtahay shaqadaadu in aay tahay mid fasax la'aan ah wakhti la'aan ah sido kale nasasho la'aan ah?
Hadaba hooyo fadlan daryeel naftaada samayso jadwal ku gaar ah si aad naftaada xaqeeda ugudato xaqa Allen u gudo wakhtiga ugu munaasibsan. 

1. salaadaha whakhtigooda Ilaali
2. Adkaarta subaxdii iyo habeenkii ku     
    dadaal, maalin walba quraan akhri haba 
    Yaraade 
3. sunayaasha tuko oo duceyso 
    ubadkaaga uducee Kuna dadaal 
    Sadaqada. 
4. vitamiinada soo cabir Inta kaa dhimana 
    Subaxdii qaado kaniinigooda biyo  
     biyo cab subaxdii. 
5. jimicso maalin walba guriga dhexdisa,          cunto nafaqo lehna cun ugu yaraan   
    malinkii koob caana cab. 
6. wixii shaqo dibada ah usameyso jadwal         ka si aaney hawlaha dibadu kugu 
    Cuslaan. 

Hadaba hooyo naftaada oo aad daryeesho waxay kuu sahleysaa in aad si Fuduud masuuliyada hooyinimo iyo xaasnimo uga soo baxdo. 
Hadaba hooyo waxaa an idiin sheegaya alaab yaroo la cunayo subaxdii hooyoyinku badan oo isticmaaleyna ay ka soo mahad sheegten. 
Alaabtan waa sidan ayaay ka kooban tahay 

1. yogurt (caano fadhi noocad heshid) 
2. chiaseed 
3. saliid anba qondar ridqan (flexseed) 
4. tufaax
5. cinab
6. malab

Dhamaan Alaabtan Hal meel baad ku wada shubeysaa waanad cunaysaa maalin walba ka Dib waxaad daremeysaa awood Tamar badan, caafimad, firfircooni, dhalaalaya jidhka ah. Hadii aan idiin sheego faa'iidada uu leyahay labada geed ee flexseed iyo chiaseed 

Faa'iidada flaxseed 
Waxaa laga helaa omega 3
Wuxuu dajiyaa dhikarka 
Wuxuu ka hor taga cancer ka 
Jidhka iyo timaha uu dhalaalaya 
Wuxuu dhima misaanka 
Waxaa loo caba gasta 
Waxaa laga helaa fiber badan 
Wuxuu ilaaliyaa caadada dagdag uguurta 

Faa'iidada chiaseed 
Wuxuu xoojisaa difaaca jidhka
Wuxuu caawiya dhefsheedka
Wuxuu dhima misanka
Wuxuu si cajiiba caawiya maskaxda iyo wadnaha 
Wuxuu kordhisaa Tamara jidhka. 
Hadaba hooyo ku dadaal cibaadada, caafimaadkaga iyo daryeelka jidhka si aad wax walba uqabato adigoo adiga oo aney maskaxda Adu daalin. 

Ugu yeedh hooyo aad rabto inaay ka faa'iidaysato waanad ku mahadsan tahay inaad akhriday taladan.