Asalamu calaykum dhamaantiin

Manta waxaynu ka hadleynaa dhareerka caruurta. 

Hadaba hooyo iyo Aabe ma ka fikirtey koritaanka dhererka caruurta Ada?

Inta badan waxaan wada naqaanaa in aynu ka fikirno ama ka warwarno ilmaha caatada ah ee aan lahayn baruur ku filan balse badana kama fikirno koritaanka dherer ahaan ee ilmaha. Waxaa muhiim ah in ilmaha dharaarkiisa iyo da'diisa ay is leg yihiin si joogto ahna aad ula socoto hadii aay jirto cilad amba gaabis dhinaca dhererka ah.

Hadaba waalid maanta waxaan idin so gudbinayna cuntooyinka iyo ciyaaraha uwanaagsan inay ka qayb qataan koritaanka iyo dhareerka caruurta.

Cuntooyinka waxaa ka mid ah

1. Beedka

Beedku qayb muhiim ah ayuu ka qaata koritaanka caruurta, beedka waxaa ka buuxa fitamiino iyo macdan jidhku ubaahan yahay 

2. Caanaha

Caanaha iyaguna waxay ka qayb qataan koritaanka iyo dhererka ilmaha, Hadaba Caanaha xoolaha hadii aad heli karto ayaa aad Mar walba ka wanaagsan kuwa dasadaha hadii aanad heleyn kuwa aad heleysid oo tayo leh ugu dadaal.

3. Cheese

Cheese dhammaan nocyada cheeseta waxay qeyb laxaadle ka qadataa dhererka ilmaha. 

4. Yogurt

Yogurta anba caana fadhigu ama ciir iyaduna waxay aad ugu wanaagsan tahay caafimadka ilmaha si gar ahna waxay kordhiyaan jooga ilmaha. 

5. Hilibka 

Hilibka isagana wuxuu ka qayb qataa koritaanka ilmaha aadna waa u mihiim cunidiisu. 

6. khudaarta

Khudaarta iyana dhammaan nocyada khudaarta kuwa dabka gala iyo kuwa sideeda lagu cuno, ugu dadaal hooyo inaad siisid ilmahaaga waa muhiim siuu uhelo koritaan iyo dherer ku filan. 

CIYAARTA

Imikana waxaynu ka hadleynaa ciyaarahan, Hadaba waxaa muhiima inuu ilmuhu helo ciyaar ku filan siuu korniinkisu usocdo Hadaba waxaa muhiim ah inaad ku dadaashid qayba ka mid ah ciyaaraha si dharaarka ilmuhu ukoro. 

Waxana ka mida kuwan soo socda oo ka qeyb qaata dhererka ilmaha 

1. Basketball 

Ciyaarta nooca loo yaqaan basketball ee lagu rido shabaga yar waxay qayb weyn ka qadataa in ilmuhu Kala baxo oo dheerado,waxad birta shabaga ugu xidhi kartaa qeyb ka mida guriga

2. Handball

Ciyaartana sidoo kale kubad lagu tuurayo gacanta iyana muhiim u ah dhareerka. 

3. dabasha 

Dabashu waa umihiim sidoo kale waana xirfadaha ubaahan in caruurta la baro. 

4. xadhi kaboodka 

Xadhi kaboodkuna waa umihiim inay caruurtu ciyaaran malinkii siuu jidhkoogu ukala baxo. 

5. Ciyaarta gacanta

Ciyaartani waa bir gacmaha lagu qabsanayo iyadoo lagu soconayo, waxayna Ciyaartani ka qayb qadataa dhererka caruurta. 

6. Mijobaxsi

Ciyaartana waa Mijobaxsi jidhka lakala jiidjiidayo oo caruurta ka caawiya in jidhkiisu Kala baxo. 

Hadaba waalid ilahaya ha kugu asturo koritaanka caruurta jidh ahaan, maskax ahaan iyo caqiido ahaanba ku dadaal ilahayna talo saaro. 

Casharkan hadii aad ka heshey comment kana nagula wadaag waxaad ka faa'iiday anba si gaara ku soo jiitey wixii talo iyo tusaalana Nala wadaag. 


Mahadsanid akhristey