Asalamu calaykum dhamaantiin

Waalid ahaan, waynu wada ognahayba faa'iidada cadeygu Lee yahay lkn waxaynu ognahay in markaad korineysid caruur badan uu jadwalkaaga cadeygu kaa xalxali Karo adigoy haleel la' aan ka tahay oon garaneyn in ilmaha markaad ucadayi weydid jermis ilkaha kaga dhalan Karo.

Samaynta hawlaha subixi iyo habeen kii u muuqan karaan waxaan macquul ahayn. Waxaa laga yaaba inaad is weydiiso, markuu ilmahaagu cadaydo malinkii laba jeer faa'iidada uka helayo malinkaa. Hadaba cadayashada ilkaha subaxdii iyo habeen kii labaduba waxay muhiim utahay dhoola cadeynta caafimadka leh ee ilmuhu ka helayo maalinka oo dhan,

Nocyada bekteriyada 

Hadaba afkeenu wuxuu la kulma nocyo Kala duwan   oo bekteriya ah waxaanu soo saara qandhuuf badan malinkii si uu ula dagaalamo korniinka suuska iyo cirridka.

Cadayashada habeen kii iyo subaxdii aad ayaay muhiim ugu yihiin caafimadka ilmaha iyo afka maadaama ay ka hortagaan bakteeriyada

Faa'iidada cadayashada subaxdii

Ma ogtahay in cadayashada subaxdii ay kaa nadiifiso bakteriyada habeen kii inteynu hurudno ku dhalata ilkaha, caruurtuna aad ayeey muhiim ugu tahay in subaxdii markuu ilmuhu soo kado aad unadiifisid ilmihiisa siuun malinkaa uga nabad galo cunadii iyo asidhii ilkihiisu maalinka la kulmen kana nadiifiso jeermiskii suuska ukeeni lahaa.

Caafimadka ilkaha 

Hadaba ilkaha nadiiftaa ah macnaheegu waa siaad uheshid cirid cafimaad qabta,bakteriyada nocyada Kala duwan ee keena suuska ilkaha ayaa sidoo kale keena cudurada cirridka. Markaa waa muhiim inaad ilmahaaga ucadeydid laba jeer maalinkii. 

Cadeyga ilmaha waxaa uu ka ilaaliya inuu ciridku xanuuno ilkahana uu suus galo, Samaynta inaad joogteysid ucadeygu ilmahaaga maalinkii laba jeer. Waxay ladagaalanta masakh dagi lahaad ilkahiisa Cadeyga ilmahaagu wuxuu ka helaa cafimaad iyo dhoola cadeyn qurux badan maalinkii. 

Waxyaabaha ilkaha ilmaha khatarta ku haya 

Hadaba nocyada Kala duwan ee cunooyinka uu ilmuhu cunayo maalinkii oo dhan waxay ilkaha ilmaha ukeenaan hadaan laga cadayin in aay dagto bakteriyo ilkaha ilmaha hadaan wasakhda laga soo cadayin,suus ayaa ku dhalanaya ilmihii oo aad uyar. Dhakhaatiirtena ilkuhu waxay ku taliyaan in la isticmaalo daawada ilkaha siaayna ilkuhu bakteriya ugu dhalan nooca daawada ee ay dhakhaatirtu ku taliyaan waa floudridated ka kooban sida hydrogen peroxide amba baking soda siay uga caawiso ladagaalanka wasakhda

Uurta Afka

Waligaa waalid MA is weydiisay waxaa keena Uurta afka adigu waxaad umaleyneysaa bakteriya. Lkn maaha waa Cadeyga oo ilkaha ku Yara da maalinkii waa muhiim IL ilkaha laba jeer la cadayo si Uurta looga hortago ilkuhuna cafimaad uhelaan iyo uur cusub oo caafimaadleh. 



Mahadsanid akhristey wixii talo iyo tusaale ah comment noogu reeb