Qormada manta waxaaynu kaaga hadleynaa sidee ilmahaaga uga caawin lahayd inuu wax akhrin Karo anba kicin Karo laba erey iyo wixii ka badan, Hadaba Ma ogtahay waalid inaad tahay macalimad ilmahuna usameeyo wuxuu ku arko walidkii. Tusaale haday hooyadu tahay mid wax akhriska jecel oo bookta akhrida ilmuhuna arko hooyadii oo wax akhriyeysa Mar walba, Hadaba ilmaha si Dhib yar ayaad waalid uga caawin kartaa inaad bartid,
1. wakhti usamee ilmahaaga
Hooyadu hadey wakhtigeeda mareyso waxay si Fuduud umaamuli kartaa in ilmahega Bari karto wax akhriska, oo ay jecleysiin karto. Tusaale ilmahaaga ku dheh hooyo manta waa in aynu labadeenuba wax akhrinaa soo qaado buugaga Ana ikeen bugeygii Isla fadhiista oo wada akhriya. Si Dhib yarna uga caawi meeluhu garan waayo
2. maree ciyaartisa
Hadaba ilmaha umaamuli wakhtiyada uu ciyaarayo, caruurtu ciyaarta aad bay jecel yihiin hadii ilmihii oo ciyaaraya uyeedhid oo ku idhaa kaaley waa wakhtigii akhriska waxaa dhici kartaa inuu ilmuhu ku diido anba isagoo diyaar aheyn ku soo raaco
3. hadiyadaha
Ma ogtahay waalid in ilmaha oo lo keeno wuxuu jecel yahay ay kaa caawin karto in si Dhib yar wax ubari kartid kana faa"iisan kartid inaad wax badan fahansiisid,
4. dhirigalin
Caruurtu aad ayeey jecel yihiin inaad dhiri galisid anba amaantid, tusaale ku dhey hooyo deeqo manta wax kaa faridsan ma jiro ee buugii inoo soo qad oo aynu Isla akhrine.
0 Comments