Asalamu calaykum dhamaantiin
Hordhac
Nafaqada caruurta waxay ku salaysan tahay isku dheeli tir la mida sida cuntada dadka waaweyn.
Qof kastaa wuxuu ubaahan yahay waxyaabo isku mid ah, sida fiitamiinnada, macdanta, karbohaydray iyo bootariinka. Muwaas waxaa lagu magacaaba nafadooyin. Caruurtu waxay ubaahan yihiin xadi Kala duwan oo nafadooyin gaar ah da'aha Kala duwa Hadaba habka ugu wanaagsan ee wax loo cuno ee korniinka ubadka uwanaagsan Ayaan halkan kaga hadli doonaa iyo wax yaabaha aasaasiga ah ee nafaqeynta ee caruurta, oo ku saleysan tilmaamaha cuntada. Cuntada ay ka buuxaan nafaqoyinka oo aan lahay sonkor ta anba xadidan, Dufan buuxa, ayaaa loo arkaa mid isku dheeli tiran.
Hadaba cuntada nafaqada leh caruurta waxay ka caawisaa inaay helaan koritaan buuxa
Proteinka
Cuntooyinka protein ka laga helo waxaa ka mida hilibka, digaaga, ukunta, digirta, salbuukada iyo lowska
Hadaba ilmaha waa in la siyaa oo lagu dhiri galiya inuu cuno cunooyinkan kor ku soo sheegney
Khudaarta
Hadaba malinkii adeego nocyo Kala duwan oo khudaar cusub ah
Caanaha
Ku dhiri Gali ilmahaagu inuu wax cuno anba Cabo wax yaalaha Caanaha laga usameeyo ee aan dufanka lahayn anba dufanku ku yar yahay. Sida Caanaha, yougerka iyo cream cheesta cabitaanada khuddarteena ka sameyso
Sonkorta
Ilmahaagu uxadid wax yaala malinkii uu cunayo ee Sonkortu ku badan tahay, adigoo oo Gaya hadba intuu uga ubaahan yahay.
Adigoo sonkor ta hadii aad iska deysidna ka Fiican tahay adigoo eegaya caafimadkiisa uguna badali Kara malabka.
Milixda
Ilmahaagu malinkii jidhkiisu waxuu ubaahan yahay milix xadidan. Hooyo waa ku mihiim in ilmahaaga uxadid cunooyinka milixdu ku badan tahay.
Dufanka
lmahaagu wuxuu malinkii ubaahan yahay jidhkiisu Dufan waxaana laga helaa, hilibka, digaaga iyo subag.
0 Comments