Asalamu calaykum dhamaantiin

Qormadan manta waxaynu kaga hadli doon tobic aad u muhiimsan. Hadaba qof walba Allah subxana watacaala dabeecad gaara buu siiyey, hooyada markaa laga hadlayana waxaa Fiican inaay ay dulqaad yeelato oo ay cadhadeeda kantarooli karto, dabeecadeeda hadii ay adkeyd badasho iyadoo marwalba nafteeda dajineysa oo ilawsineysa dabeecadeedi hore.

Waayo marka hooyo la noqdo waxaa Fiican inaad udulqaadatid Awlaada yaryar oo aad bartid wax yaalaha yar yar ee ay baabinayan si yaroo dagan ilmaha ugu sheeg qaladka uu sameynayo adigoon xanaaqin, markaa ilmuhu uu saxayaa qaladkiisa Hadaba waa inaynu raacna talooyinkan. 

1. Neefsasho

Hooyadu markey xanaaqdo waxaa Fiican inaay Neefsasho qaadata ilaa 3jeer, neefsashado waxay hooyadu ka heshaa inaay cadhadu ka Kala baabado anba ay iloowdo. 

2. Bixitaan

Hooyadu markey xanaaqdo waxaa ufiican inaay dibada uyara baxdo ilaa 5mint hawada soo qaadato si ay u iloowdo cadhadii haysey anba ka yarato.

3. Deganaansho

Wax walba waxaa lagu xalin karaa, marka adigu isdajisid hadii adigii oo cadhoonaya hadana inaad wax xalisid doonaya Kuma suuro galeysid waayo qof xanaaqsan waxba ma xalin Karo. Marka hore adigu is daji ka Dib aayar arimahaaga xali adigoon dhib naftaada ugeeysan. 


Mahadsanid sida qurux da badan eed noola socotiin wixii fariina talo anba tusaale ah hoosta noogu reeba