Asalamu calaykum dhamaantiin

Manta waxaynu halkan kaga hadleyna topic muhiim uah waalid kasta oo Awlaad korinaya. Hadaba sideeynu wada ognahayba caruurtu halka u horeysey ka soo bilabaan tarbiyada waa guriga had a ku nool yihiin. Hadaba sidey tahay akhlaaqda guriga taala ayuu ilmuhu dibada ula soo baxa, sida diintena islamka ah Ina fareyso waxaa aqalka iyo qoyska Muslim kaa lagu aasaasa. 

Hadaba waxaynu tusaale usoo qadaneynaa in ay isdoortan waalid ku haboon in ay soo saari karaan jiil wanaagsan oo islaamiya, taas oo macnahegu yahay inuu Aabuhu doorto oori wanaagsan oo diin iyo akhlaaq leh sidoo kale waa in gabadha loo doora nin wanaagsan oo diin iyo akhlaaq leh.

Taas waxaa dheer in qoyska lagu dhiso hab islaami ah, tusaale habeen ka ugu horeysa ee guri muslima la dhisayo, lagu dhiso wax Rabi ka cadheysinaya sida gabadha arooska ah oo dhar aan ku habooneyn soo xidhata music la sido.

Hadaba hadaan Dib ugu soo labano tarbiyada caruurta ee inagu waajib ah iyadoo aynu ku soo kobi karni qoraal waxaynu ka soo qadaneynaa dhowr qodob oo aan u arkey inaay mihiim tahay. 

1. waa jibka u horeya ee Ina saaran hadey u waalid nahay waxay oran karaa waa in ilmaha markuu gaadho 4sano lagu daraa meel Fiican oo uu qur"aanka ku barto si uu hadhow kuu anfaco.

2. in ilmaha la baro wax kasta oo faa"iido uso hoynaya sida shahadeynka, ducada

3. waalid ku waa inaay ilmaha baran oo ay jecleysiya, jaceyl ka Allah (swt) iyo rasulkiisa scw

4. in salaada la faro markuu gaadho 7sano

5. in lagu tarbiyadeyo weysada,amaanada iyo ruunsheega.



Mahadsanid akhristey.