Asalamu calaykum dhamaantiin 
Hadaba manta waxaynu ka hadleynaa faa'iidada ay qureecdu u leedahay caruurta iyo hooyada, waa muhiim inaad qureec cafimaad leh cuntid Kuna dadaashid. 
Waxaan ogsoonahay anba ka war qabnaa mudo badan anba sanado badan inaay qureecdu muhiim tahay cilmi baadhis oo la sameyey waxay ka markhaati kacdey in caruurta iskuulada dhigata iyo hooyaduba faa'iido ka helaan qureecda, Hadaba shanta faa'iido ee ugu weyn waxaa ka mida. 

1. IMTIXAANKA OO NAFIJOOYIN SARE LA KEENO
Caruurta qureecataa way ka firfircoon yihiin kuwa qureecda ka imaada hadaba caruurta qureecata waxay diyaar u yihiin inaay wax bartaan, waxaay umuuqdan kuwo ka fahmad furan kuwaan qureecan imtixaankana natiijo sare ayaay ka keenaan. 

2. DABEECADA 
Dabeecada samaan dheeraad ah ayaay ku leedahay qureecda, hadaba caruurta qureecata marka wax barashada la tagayo aroortii way ka dabeecad wanaagsan yihiin kuwa qureecda ka taga taasi waxay keentaa in ayna rabshad fasalka ka dhex ridin xaga kuwa aan soo qureecan ay rabshad galaskan ka sameyaan. 

3. AWOOD DHEERAAD AH
Caruurta aroortii soo qureecada waxaay ka awood badan yihiin kuwaan soo qureecan xaga fahanka iyo daganaanshaha galaskan dhexdisa, caruurta soo qureecata waxay qaataan (calories) si ay si joogta ah ay u shaqeeyaan una ciyaarahan, waxay kaloy helaan (calories) ayaa keyd u ah si aay uxamilaan shaqada badan ee ay qabanayaan intey waxbarashada ku jiraan. 

4. CUNADA NAFAQADA LEH EE WANAAGSAN
Cunitaanka anba qureecda caruurta aroortii la siiyo waa in la siyaa qureec nataqo leh oo isku dheeli tiran caafimad iyo Tamarna caruurtu ka heli karaan. Hadaba caruurta aroortii qureecda waxay buuxiyana waajibaad nafaqada qof walba ubaahan yahay sida fitamiinka iyo Nafaqada caadiga ah, caruurta aan qureecan ma helaan nafaqadii ay ka heli lahayeen qureecda. 

5. CULEYSKA JIDHKA OO CAAFIMAD QABA
Caruurta iyo hooyoyinka qureecda cuna way ka caafimad badan yihiin kuwaan qureecan oo jidhkoogu uu ka firfircon yahay ku waan qureecan, Hadaba hooyo ku dadaal inaad aroortii qureecatid caruurtadana ay qurecsisid si ay waxbarashadooda si Fiican usoo dhigtaa (qalbi caafimaad qaba ayaa soo saara jidh cafimaad qaba). 

Talooyinkan soo socda waxaynu kaga hadleynaa oo aynu ku xakameyneyna sobabaha keena in wakhti loo waayo qureecda. 

1. dardar galin markaad sameyneysid cunada inaad Waxyaabaha aad ku qureecanaysid ay ka timado qamadiga sida loxooxda anba canjeerada oo ay soomaalidu badan koogu ku qureecdaan ahna qureec soo jireen ah oo awoowyaasheen aynu ka dhaxalney ee waxaa muhiima in qureecda aad ku qureecanaysid ay ahaata mid dheeli tiran oo nafaqo aad ka heleysid sida beedka oo aad qureec ahaan u cuntid waxaad ka heleysa nafaqo badan oo jidhku ubaahan yahay iyo koob caana waa mihiim inaad caano cabtid ugu yaraan hal koob. 

2. isku day qureecda dagdaga ah sida roodhida duban oo la mariyey caano subagoodu yar yahay anba jaam anba usamee khudaar roodhida la dhex galiyo si ilmahaagu u sii qaato si uu goobta iskuulka ugu cuno oo aanu gaajo udaremin markuu wax dhiganayo hooyo waa mihiim inaad ilmahaaga ka warqabtid markuu tago goobtiisa waxbarasho inuu cuntadaad udiyaarisid cuno iyo in kale. 

Intaa ayaaynu ku soo kobeynaa qormadenii maanta hoos nogu reeb wixii talo eee aad nagu soo kordhineysid waanad ku mahadsan tahay inaad akhristey kana faaiideystay.