Manta waxaynu ka hadleynaa qormo aad muhiim uah xaga caafimadka oo mudan tahay inuu qof walba tijaabiyo Kuna dadaalo joogtenteeda hadaba hadeynu ka hadalno faa'iidada,Saliid saytuunta waxaa ku Jira faa'iidooyin badan caafimaad, kuwaas oo qaarkood maskaxda la yaab ku noqonayaa.
Saliid saytuunta waxay hodan ku tahay curiyeyaal nafaqo oo faa'iidooyin badan iyo asiidho duxeed, faytamiinno, dufano muhiim ah iyo maadooyinka lidka ku ah mariidka. Maaddooyinkan ayaa dhammantood ah kuwo ilaaliya caafimadka wadnaha iyo xididada dhiiga, kana hortaga burburka ku dhaca unugyada dhiigga Cas. 
Waxaa kale oo ay saliid saytuuntu leedahay faa'iidada ah in ay miisaanka yarayso iyo in ay xanuunka iyo kaarka buka ama nabar ku dhacay yarayso. 
Sida lagu sheegey warbixin aynu ka soo xiganay shabakada wararka ee Alcarabiya, xeeldheerayaasha caafimadka cuntadu waxay ku taliyeen in saliid seytuunta lagu darsado cuntooyinka maalinlaha ah, gaar ahaan in la cuno marka ayney caloosha cuno hore ku jirin oo ah marka ay ugu haboon tahay in laga dheefo faa'iidooyinkeda tirada badan.

Markeyno hoos ugu sii dhadhacno faa'iidooyinka caafimaad ee saliid saytuunta waxaa ka mid ah:

Xidmaha:
Saliid saytuuntu waxa ay xoojisaa shaqada dheefshiidka iyo dhaqdhaqaaqa xiidmaha, waxa aanay ka hor tagtaa calool istaaga. 

Maqaarka:
Saliid saytuuntu waxa ay ufiican tahay caafimaadka maqaarka iyo ciddiyaha, waxa aanay jilcisaa, wanaajisaa Isla markaana Isla markaana dux sisaa timaha. 

Beerka:
Beerku waxa uu kaalin mug leh ka qaataa dhammaana hawlaha nolosha qofku ku xidhan tahay ee jidhka qabo ama u baahdo. Waxa uu ka masuul yahay nadiifinta dhammaan xubnaha uurkujirta, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in beerka mar kasta laga nadiifiyo sunta, sida ugu haboon ee uu qofku kunadiifin ka rana waa in uu isticmaala saliid saytuunta. 
Laba malqacadood oo saliid saytuun ah ku dar Sharaab liin dhanaan ah oo joogto ucabtid, waxay nadiifisa beerka 

Miisanka:
Saliid saytuunta waxaa ku Jira xaddi badan oo ah asiidho duxeed, waana duxda ugu fiican caafimaadka qofka, waxa kale oo ay saliid saytuuntu qofka ku beerta dareen dhereg oo cuntada badan ka hor istagta, dufanka kalastaroolka ahina Kuma jiro, arrimahaasi waxay ka hor tag u yihiin koradhka miisaanka,haddii la joogteyana waa ay yareyaan xaydha jidhka ku ururta. 

Habdhiska difaaca:
Asiidhada amiino ee saliid saytuunta ku jiraa waxa ay kaalin muhiima ah ka qadataa xoojinta habdhiska difaaca jidhka, taas ayaana sababta in ay kor u kacdo awoodda uu jidhku u leeyahay iska caabinta cudurada. 

Wadnaha:
Siyaabaha ugu fiican ee aad jidhkaaga ugu kordhin karto kalastaroolka nooca faa'iidada leh waa in aad isticmaasha saliid saytuunta, sida la ogyahayna kalastaroolka faa'iidada lihi waxa uu xoojiyaa caafimadka wadnaha iyo xiddidada dhiigga. Dhinaca Kalana saliid saytuunta waxa ay yareysaa kalastaroolka dhibatada keena. 

Kaarjebin:
Saliid saytuuntu waxa ay qofka u noqotaa kaarjabin dabiici ah. Cilmibaadhis Kala duwan ayaa lagu ogaaday in cabbista 3 ama 4 malqacadood oo saliid saytuun ahi ay la awood yihiin dawada kaarjabinta ee ibuprofen. 

Macaanka:
Saliid saytuuntu waxa ay caawisa in ay yaraato sonkorta dhiigga, sida awgeed ayaanay dhakhatirtu dadka Macaanka qaba kula taliyaan in ay cunaan saliid saytuunta. 

Maskaxda:
Saliid saytuuntu waxa ay xoojisaa caafimaadka maskaxda waxa aanay ka hortagta in fahamka iyo awoodda garasho ee maskaxdu hoos udhacaan marka uu qofku weynaado. Waxa kale oo ay salliidda saytuuntu xoojisaa xasuusta iyada oo ka hortag Fiican u ah xaaladaha nafsiga ah ee qulubku ka mid yahay. 

Mahadsanid akhriste wixii talo iyo tusaale ah hoos nogu reeb.